Dagaal lagu dilay Nabadoon caan ahaa oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle oo hoostaga gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaadaka Macawiisleyda iyo Al-Shabaab oo ka soo horjeeda, waxaana ka dhashay khasaare xoogleh.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, isla-markaana dhowaan ku biiray howlgallada ka socdo halkaasi.

Sidoo kale qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkan lagu dilay illaa 30 oo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana go’aan is gaarsiinta deegaanka, dhanka kalena ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here