Dagaal u dhexeeyay ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Beerxaano oo hoostaga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal toos ah labada dhinac ku dhexmaray halkaasi, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here