Dagaal u dhexeeyey ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Ceel-dheere

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla halkaasi, waxaana kadib dhacay dagaal toos ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, islamarkaana ay dileen illaa 20 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here