Dagaalyahan ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

0

BADYAHBO (SMN) – Cismaan Abiibakar Maadey oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, qeybta 60-aad.

Maadey oo muddo saddex sano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.

Sidoo kale, Cismaan Abiibakar ayaa ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay dagaallo kula galeen xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here