Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay xadka Kenya

0

Ugu yaraan saddex ruux oo lagu tuhmay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayey booliiska Kenya sheegeen in ay ku dileen howl-gal ay ka sameeyeen deegaanka Boni oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan booliiska ayaa xusay in ciidamada ay weerar ku qaadeen kooxda oo ku sugneyd Keymaha Boni, waxaana uu intaasi ku daray in ay wateen mootooyin, cunto, hub iyo rasaas.

Booliiska Kenya ayaa rumeysan in ragga ay dileen ay qeyb ka yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta Boni, isla-markaana weerarada ku qaada ciidamada amniga

Howl-galka ay ciidamada amniga ee Kenya ka fuliyeen Keymaha Boni ayaa la sheegay in ay ka qeyb-qaateen rag ka tirsan sirdoonka oo ogaaday dagaalyahanada halkaasi ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay booliiska Kenya ayaa xaqiijiyey in ragga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu dilay howl-galka qorsheysan ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya, iyaga oo doonayey in duulaan ay ku qaadaan qeymo ka mid maamulka Lamu

18 bishii hore ee May ayaa waxaa alshabaab ay qarax miino ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo marayey deegaanka Bawra oo ka tirsan Lamu.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo badan dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si looga hortago weerarada Al-Shabaab ay ka gaystaan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here