Dal ka mid ah Yurub oo ogolaaday Baasaboorka Soomaaliya

0

SERBIYA (SMN) – Dowladda dalka Serbiya ayaa ogolaatay in dalkeeda lagu tagi karo Baasaboorka dalka Soomaaliya ,ka dib dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda,Hay’adda Socdaalka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi .

Tallaabadaan oo ay soo dhoweeyeen dadka Soomaliyeed ayaa imaaneysa ka gadaal markii Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Vera Vukićević iyo Ku-xigeenkeeda Mirjana Živković ay guddoomeen mukumiintiyo ka hadlaya muuqalada saxda ah ee sadexda nuuc ee uu ka kooban yahay Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay dadaalka maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ,iyagoo ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen gudbinta taabagalka Baasaboorka dalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia waxa ay horay u lahaayeen xiriir wanaagsan oo suurtagaliyay in la ogolaado Baasaboorka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here