Danjiraha Midowga Afrika oo bogaadiyay dagaalka ay DF kula jirto Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS, Maxamed Amiin Seyf, ayaa bogaadiyay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula jiro Ururka Al Shabaab.

 

Danjire Maxamed Amiin Seyf ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay taageereyso dedaalada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xamsa Cabdi Barre.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxda kale ee caalamka uga duwan yahay in isaga uu jooga jiida hore ee dagaalka islamarkaana uu hogaaminayo daagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Muqdisho, ayaa Danjiraha, waxuu sheegay in howlgalka ATMIS uu diyaar u yahay in Ciidanka Xoogga Dalka uu ka taageero dhanka cirka iyo saadka, si looga adkaado Al Shabaab.

Dhinaca kale, Danjiraha ayaa shaaciyay in Xeradooda Maslax ee Degmada Hiliwaa ay ku wareegeen Wasaarada Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaasi ku daray in dhowaan ay qaban doonaan xaflad ku aadan wareejinta Xerada Maslax, si buu yiri Xeradaasi loo dejiyo Ciidanka Xoogga Dalka ee dhowaan laga keenay dalka Eritrea.

Waa markii ugu horreysay oo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS uu la hadlo warbaahinta tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho.

Horraantii todobaadkan ayay aheyd markii Howlgalka ATMIS uu ballan qaaday in wariyeyaasha Muqdisho ay geyn doonaan goobaha laga qabsaday Al Shabaab, si ay uga soo warramaan isla-markaana bulshada ay ula wadaagaan sida uu socdo howlgalka ka dhanka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here