Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo isku dhiibay Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u warramay VOA ayaa ka hadlay wararka sheegay in darawalkiisii uu isku dhiibay Al-Shabaab.

Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah darawaladiisa uu u goostay dhanka Al-Shabaab, kaas oo uu magaciisa ku soo koobay Xuseen.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ninkan uu la shaqeynayey afartii sanno ee la soo dhaafay, isla-markaana uu kasoo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga, markii uu wasiirka ka ahaa, wuxuuna tilmaamay in kadib uu mid noqday shaqaalihiisa.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa tilmaamay in arrintaan ay la wadaageen laamaha amniga, isla-markaana uu haatan socdo baaritaan ku aadan darawalkaasi.

“Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri Mursal.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda baahisay cod laga duubay ninka darawalka ee u goostay, mana jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here