Dayniile oo guul weyn ka gaartay dhiggeeda degmada Kaaraan

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Kaaraan oo laga adkaaday ayaan helin wax dhibco ah, halka Dayniile ay keensatay 14 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono degmooyinka dariska ah ee Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kuwaas oo diyaar garow ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here