Dayniile oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Kaxda

0

Tartamayaasha degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku loolamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyaga oo soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka D ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Kaxda oo tartanka isaga hartay ayaa heshay dhibco gaaraya 8, halka Dayniile ay keensatay 10 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here