Ciidamada Xoogga dalka oo maanta la wareegay magaalada Xarardheere

0

XARARDHEERE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa si nabdoon kula wareegay degmadan, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan gudaha magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah magaaladaasi.

Dhinaca kale howlgal kale oo laga sameeyay gobolka Galgaduud ayaa saaka ciidamada dowladda waxay kula wareegeen deegaanka Galcad oo ay horey u joogeen Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa dhowr magaalo oo muhiim ah dib u qabtay, kadib dagaallo culus oo ay la galeen xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here