DEG DEG: Maxkamadda ICC oo dalbatay in la soo xiro Madaxweynaha Ruushka.

0

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kadib markii lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

 

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in Madaxweyne Putin lala xiriinayo ku lug lahaanshiyaha carruur laga wadatay goobaha uu ka socdo dagaalka ee dalka Ukraine, kuwaasi oo la geeyay dalka Ruushka.

Maxkamada ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Maria Alekseyevna Lvova-Belova, oo ah gudoomiyaha xuquuqul insaanka ee xafiiska madaxweynaha Ruushka.

Ruushka, oo weli diidan in ay gaystay gabood-fallo tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine bishii February ee sannadkii hore, ayaan aqoonsanayn awoodda ICC, waligeedna ma dhicin in muwaadin ka soo jeeda Ruushka loo gacan geliyo Maxkamadda ICC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here