Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, uuna fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Fagax.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ku dhowaad shan qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here