Faah faahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow xarunta Villa Baydhabo oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyihii fuliyey weerarka.

“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Xaaladda goobta ayaa weli aad u kacsan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here