DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray hoteelka Tawakal, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in qaraxa kadib ay rag hubeysan gudaha u galeen dhismaha hoteelka, waxaana haatan rasaas xoogan laga maqlayaa halkaasi.

Faahfaahinta kala soco: Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here