DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa laga maqay inta badan Muqdisho.

Qaraxa oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmadaasi.

Khasaare kala duwan ayaa la soo wariyay in qaraxa uu geystay, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa xarunta gobolka Banaadir laga dhex maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan, ayada oo la soo wariyey inay gudaha u galeen rag hubeysan.

Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faahfaahinta kala soco: Shabellemedia.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here