Tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaasha ayaa gaaraya illaa 7 madfac, waxayna ku dhaceen aagga Villa Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dhawaqa hoobiyeyaasha ayaa si weyn looga dareemay caasimadda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen degmooyinka Xamarweyne iyo Warta Nabadda, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Inta la xaqiijiyey illaa 7 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaan, kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadda Ex-Fiyoore iyo iskuulka degmada Xamarweyne.

Maalin ka hor ayey aheyd markii weerar toos ah oo ku billowday qaraxyo lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here