Degmada Xamar Jajab oo loo magacaabay guddoomiye cusub

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa Mucaawiye Axmed Muudey, loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Mucaawiye ayaa bedelay guddoomiyihii degmadaas, Allah u naxariistee, Maxamed Cabdi Axmed oo la dilay 17 bishan Abril ee sanadkan 2021-ka.

Guddoomiyaha cusub ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoon leh, sidoo kalena ka soo shaqeeyay warbaahinta madaxa bannaan ee dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here