Saciid Deni oo dib ugu laabtay Puntland, kadib dhacdadii Boosaaso + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) -Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay.

Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Imaashaha Deni ayaa kusoo aadayo, kadib dhacdadii Boosaaso ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, taas oo ka dhalatay is-hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiya Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here