DF iyo Midowga Afrika oo is-afgarad ka gaaray xaaladda kala guurka AMISOM

0

ADDIS ABABA (SMN) – Guddiga farsamada ee XF Soomaaliya Oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa ka miro dhaliyay wadaxaajoodka lala yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ( AU PSC).

Kulanka ayaa ku saabsan dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, islamarkaana ula wareegi lahayeen ciidanka XDS iyo hay’adaha kale amni.

Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Metalayay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in is afgarad uu kusoo dhammaaday kulanka ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya oo dhanka kale ah xarunta Ururka Midowga Afrika.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here