DF oo billowday baaritaan ku aadan shaqaaqadii garoonka

0

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Booliska iyo hay’adda Socdaalka oo kulan ka yeeshay shaqaaqadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaris dhammeystiran lagu hayo falkii garoonka ka dhacay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay inay socdaan beeritaanno dheeraad ah si sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

“Annaga oo fulineyna amarka Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonnaa cid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here