DF oo ka hadashay dhibaatooyinka Soomaalida ku heysto K/ Afrika

0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dhibaatooyinka saacadahii lasoo dhaafay ay la kulmayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga waalacsantahay rabshadaha iyo boobka ka dhacay dalka Koofur Afrika 72 saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo lagu dilay ilaa afar muwaadiniin oo Soomaali ah, hantidoodana lagu boobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Koofur Afrika in ay ilaaliso ammaanka nafta, hantida iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed .

Soomaaliya waxaa ay xariir dhow la laheyd shacabka iyo dowlada Koofur Afrika xilligii ay ku jireyn la dagaallanka gobonimo doonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here