DF oo shaacisay halka la geyn doono ciidamada lagu soo tababaray Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlayey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay kordhineyso dagaalka ka socda gobollada dalka, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ay ku soo biirayaan ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Biixi ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka howlgali doonaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ka billowdeen dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro Galmuudg.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray taliyuhu in haatan ay hoos u dhacday awooda Al-Shabab, isla-markaana ay sii wadaan gulufka dagaal oo ay waddo dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ay inta badan gobollada dalka ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaan xoogooda si weyn looga dareemayaa gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo ka barbar dagaalamaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna la wareegeen deegaano horleh oo ugu dambeysay maanta deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here