DF Soomaaliya oo shaacisay in ay howlgal ku dishay 28 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

AADAN YABAAL (SMN) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal iyo duqeymo culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha ciidamada Lugta, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn uu ka dhacay deegaanka Juxaay oo hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Taliye Biixi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan illaa 28 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayuu yiri Taliyuhu.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya diyaarado dagaal ayaa weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here