DF oo shaaca ka qaaday in dagaal lagu dilay 16 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

CADALE (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guullo ka sheegatay dagaalkii Khamiistii ka dhacay duleedka deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas oo ka dhacay Tuulooyinka Huurwaaye iyo Boodaale khasaare xoogan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ah ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 16 xubnood Al-Shabaab laga dilay kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ee ka howlgala halkaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in dhankooda ciidamada deegaanka ay ka geeriyoodeen saddex askari, todobada kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay haatan ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here