NISA oo shaacisay in Ikraan Tahliil ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadina la dilay

0

Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo nolol iyo geeri lagu la’aa, waxaana NISA ay shaacisay inay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la khaarijiyey.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in ay dabagal ku heyso kooxdii ka dambeysay falkan, waxayna tacsi u dirtay ehellada marxuumada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here