DF oo shaacisay in Muqdisho ay ku qabatay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada NISA ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu qabtay shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ka kooban 10 qof, isla-markaana ka howlgalayey caasimadda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saddex xaruumood oo qarsoodi ah ay la wareegtay, kadib howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here