DF oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil iyo xubno ka tirsan Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri sida tan:-

Koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab kuwaas oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here