DF oo shaacisay inay howlgal qorsheysan ku dishay 49 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada NISA iyo kuwa Xoogga dalka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah oo ka taageerayey dhanka hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkaas uu ahaaa bartilmaameed, islamarkaana lagu dilay illaa 49 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo ay lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here