DF oo shaacisay inay howlgal ku dishay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Juxaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ninkan uu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab, uuna ku dhintAY howlgal ay 15-kii bishaan fuliyeen ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdooonka Qaranka, kaas oo sidoo kale lagu dilay 87 kale.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaalkani uu Shabaab u qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isla-markaana uu qaldau dhalinyaro badan, sida ay shaacisay dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here