DF oo shaacisay inay qorshe cusub u diyaarisay amniga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda amni ee dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in qorshe gaar ah ay u diyaariyeen amniga caasimadda, madaama ay ka dhaceyso doorasho.

“Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa inay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale wsiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faray laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga  ayaa ku soo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo kala duwan ka wadaan Magaalada caasimadda ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here