DF oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay Masaajid Cali Gaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo shaaciyey in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduuud.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya dadka deegaanka ay gudaha u galeen deegaankaasi, wuxuuna xaqiijiyey in haatan dowladda ay maamuleyo deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in halkaas la geyn doono adeegyada muhiim u ah dadka deegaanka, islamarkaana la xasilin doono, si loo sugo amniga deegaankaasi.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhxe ee HirShabelle ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana sanado badan gacanta ku hayey Al-Shabaab

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadeen Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here