DF oo ka hadashay cunaqabateynta hubka ee lagu kordhiyey Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaleeceysay go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu kusii kordhiyay xayiraddii hubka ee muddada saarneyd Soomaaliya, iyadoo dalka uu galay dagaal looga soo horjeedo al Shabaab tan markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Ammaanka ayaa Shalay oo Khamiis aheyd u codeeyay in aan la qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, inkastoo Kooxda Al Shabaab ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, isagoo ammaanay dalalka Russia, China, Gabon iyo Ghana oo ka aamusay codeyntan islamarkaana la saftay Soomaaliya.

Danjire Abuukar Daahir Cismaan Baale ayaa waxuu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada dalka si looga hortago Al-Shabaab.

Afartii billood ee la soo dhaafay, Ciidanka Xoogga waxey wadeen dagaal si dalka looga saaro al Shabaab, waxaana u suuro gashay in ay gacanta ku dhigaan degaano iyo degmooyin ay maamuli jireen Kooxda Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay Danjiraha.

Balse waxuu shaaciyay go’aanka Golaha ammaanka ee lagu cusbooneysiiyay cunaqabataynta ay tahay mid qabad ku ah dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Danjire Baala ayaa sheegay in dhibanayaasha weerarada Al Shabaab ay weydiinayaan sababta qaadista cunaqabateynta hubka ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah iyadoo dalalka kale loo hubeynayo si ay u difaacaan dhulkooda iyo dadkooda.

Si-kastaba, go’aanka Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in uu ilaalinayo cunaqabataynta hubka ee la ansixiyay, kaas oo mamnuucaya iibinta ama wareejinta qaybaha muhiimka ah ee walxaha qarxa ee ay Al-Shabaab adeegsato, mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha iyo in la xayiro safarrada iyo hantida dadka khatarta ku ah nabadda, xiriirna la leh Kooxda al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here