DF Soomaaliya iyo Imaaraadka oo heshiis is-afgarad ah kala saxiixday

0

Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ay isaga kaashanayaan ka hortaga dambiyada la xiriira dhaqaalaha iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Sida uu qoray wargeyska Gulf News heshiiskan waxaa dhanka imaaraadka u saxiixay Cali Faysal Ba’Alawi, oo ah madaxa waaxda sirdoonka maaliyadda, halka dowladda Soomaaliya ay u saxiixdayAamina Cali, oo ah agaasimaha xafiiska warbixinada maaliyadda.

Ba’Alawi, ayaa sheegay in heshiiskani is-afgaradka ah looga gol leeyahay in la iska kaashado islamarkana la isku waydaarsado khibradaha la xiriira ka hortaga lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale heshiis kan la mid ah la saxiixatay xukuumadda Bangaladesh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here