DF Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wada-hadalka mas’uuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrik.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula socdo xaaladda doorashada, isaga oo marar badan ka digay dib u dhac kale oo ku yimaado jadwalka cusub ee la shaaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here