DF Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada-hadlay doorashooyinka 2021-ka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge , waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.

Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana si rasmi ah shalay u bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here