DF Soomaaliya iyo UNHCR oo wada-hadallo ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, Magatte Guisse.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay wada-shaqaynta iyo taageerrada shaqo abuur iyo farsamo ee qaxootiga dalka ku soo laabanaya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

“ Waxaan ku xoojinay kulankan sidii xasillooni dalka ay ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku soo laabanaya iyo kuwa abaaraha ay barakiciyeen, waa arrin naga go’an shaqo abuurka iyo helida xirfado ay ku shaqayn karaan dadkaas, taa ayaanna hoosta ka wada xariiqnay wakiilka UNHCR.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Mudane Magatte Guisse, wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in kulanka uu bilow u noqonaya xoojinta xiriirka gaar ahaan horumarinta fulinta qorshaha qaranka.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdi Axmed Qaasim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, Guddoomiye Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Aamino Siciid Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo UNHCR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here