DF Soomaaliya oo agab caafimaad ku wareejisay Galmudug + Sawirro

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo guddiga la tacaalidda Covid 19 ee gobolka Mudug ayaa degmada Hobyo kula wareegay haamanka hawada siiya bukaanada Covid-19 soo rito.

Agabkaan caafimaad ayaa ka imaaday shirkadda Hormuud Telecom waxaana lasoo gaarsiiyay Wasaaradda Caafimaadka XFS waxasna waxaana keenideeda fududeeyay Xaafiiska Raiisulwasaaraha Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise, Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali faad iyo Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Guddiga ka hortagga covid 19 ayaa ka mahadceliyay agabkaan caafimaad ee lasoo gaarsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here