DF Soomaaliya oo deeq gargaar ah u dirtay gobolka Bakool + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gurmad u dirtay gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay dhowaan weerar ka geysteen xoogaga Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarka raashinka iyo daawada loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay.

Shacabka ku nool gobolka Bakool ayaa xilligan ka cabayanaya abaaro saameyn ku yeeshay kumanaan qoys oo ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Sidoo kale gobolladaasi ka jira isbedello dhinaca nolosha ah, waxaana u sii dheer weerarada ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab oo weli kuxoogan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here