DF Soomaaliya oo ka hortimid in shidaal baaris laga bilaabo Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay si dhow ula socota howl-gal ay sheegtay inuu sharci darro yahay, kaas oo la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland .

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in  qorshahaasi ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC, taas oo sheegatay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka  Soomaaliya ay si cad u diiday sheegashada shirkadda Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batrooka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ama Somaliland.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah & qorshaha ay ka wado Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here