DF Soomaaliya oo loogu baaqay inay baaris ku sameyso dhacdadii Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray dagaalkii ka dhashay is hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo shalay laga soo celiyey garoonka Boosaaso.

Xisbiga ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu cambaareynayo falkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale wuxuu xisbiga ugu baaqay dowladda federaalka iyo Puntland in baaris madax bannaan lagu sameeyo dhacdadaasi, si looga gun-gaaro.

“Xisbigu waxuu ugu baaqayaa masuuliyiinta Puntland iyo Dowladda Federaalka inay shaqaaqadii dhacday u saaraan guddi baaris oo madax bannaan si looga gun gaaro dhacdadaas loogana hortago inay markale dib usoo noqoto,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here