DF Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujisay shirka ka socda Afisyooni

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee  u socda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cisman Dubbe ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.

Wada-hadallada ka socda Afisyooni oo hakad-galay labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa lagu wadaa inay maanta dib u billowdaan, waxaana diiradda lagu saarayaa ajandaha shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee 2021.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, waxaana dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar ay isku hayaan hannaanka loo wajahayo qabsoomida doorashooyinka oo dib u dhac uu ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here