DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in heshiis laga gaaray doorashooyinka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ay horumar ka gaareen wadahadalladii ku saabsanaa arrimaha doorashada.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimu ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ah la qabanayo xaflad weyn oo lagu saxiixayo heshiiska lagu gaaray shirkii Muqdisho socday maalmihii lasoo dhaafay.

“Maalinba maalinta ka dambeysa horumar ayaa laga sii gaarayay shirka”, ayuu yidhi Mucalimu.

Kulankaas oo qaatay afar maalmood waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxda ku shirsan Muqdisho ayaa ka arrinsanaya sidii xal looga gaari lahaa hannaanka doorashada Soomaaliya ee uu muranka hareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here