DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in dagaal uu ka dhex qarxay Al-Shabaab

0

XARARDHEERE (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaal culus uu ka dhex qarxay Al-Shabaa, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warka ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in dagaalka uu dhex maray xubno ka soo baxay deegaanka Dabagalo, kuwaas oo ay sheegtay in ay doonayeen inay isku soo dhibaan ciidamada dowladda, balse ay isku dhaceen xubno kale oo ka tirsan isla Al-Shabaab, kuwaas oo ku wada dagaalamay agagaarka magaalada Camaara ee gobolkaas.

“Dagaalka ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen inay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda dhexe.

Dagaalka oo socday ugu yaraan hal saac oo xiriir ah ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dagaalamay halkaas.

Sidoo kale waxaa la xiray-xiray qaar ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee wada dagaalamay, sida ay shaaca ka qaaday dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa gobolka Mudug.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadayo, ayadoo Galmudug ay isku diyaarineyso howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here