DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inay si buuxda ula wareegtay Wabxo

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Janaraal Cabdullahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ayaa xusay in dagaallo khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo ka dhacay halkaasi, kadib ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay gaareen tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Wabxo halkaas oo ay 15 sano ka badan maamulayeen Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here