DF Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada hay’adda nabad sugidda ay maanta howlgal ka sameeyeen deegaanka Galka Saalimow oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayna ku dileen illaa 21 ka tirsanaa Al-Shabaab, 10 kalena ay ku dhaawaceen.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey, kadib markii ay ciidamada heleen xog ku saabsan in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorshaynayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muddo afar maalmood gudahood ah dishay in ku dhow 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tiradaasi oo aan weli si madax bannaan loo xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here