DF Soomaaliya oo shirweyne muhiim ah uga qayb-galeyso dalka Niger

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa qeyb gali doono shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Warshadaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika iyo adduunka ayaa looga hadlayaa sidii dalalka Afrika, isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaalaha iyo warshadaha kuwaasi oo ka qayb qaadan doona kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalalka Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here