DF Soomaaliya oo tallaabo culus qaaday, kadib rasaaseyntii Xasan Sheekh

0

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hor-marta kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn ee Muqdisho, waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta oo gaaray goobta ayaa ciidanka kula dar daarmay inay xoojiyaan Nabadgelyada ayna gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay xalinta isku dhac ciidan oo dhawaan ka dhacay bar koontarool oo ku taala agagaarka Kawaanka Malaayga ee Degmada Xamar weyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here