DF oo war ka soo saartay howlgallo ka kala dhacay Sh/Hoose iyo Galgaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday xubno ay ku daba jireen ciidamada NISA, kuwa Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale waxay awasaaraddu xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kale oo inaasi ka badana lagu dhaawacay.

Dhinaca kale qoraalkan ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay deegaaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jab xoogan Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalkaas, islamarkaana ciidamada huwanta ay ka hortageen weerarka ka dhacay halkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:- 

WAR SAXAAFADEED

Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale, Khawaarijta Al-shabaab ayaa si wayn loogu jabiyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Khawaarijta oo isku dayaya inay arbushaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Goobta waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda lagu sii daba jiraa firxadka Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaa shanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab si loo helo gayiga Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here