DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha dagaalkii Yasooman

0

BELEDWEYNE (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal ku dileen labaatan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay saaka aroortii deegaanka Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Intii lagu guda jirey dagaalkani, ayaa waxaa dhanka ciidanka dowladda Soomaaliya ka dhintay saddex askari,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here